Mudane Axmed M. Maxamuud oo Loo Doortay Madaxweynaha Somaliland

Posted by Contributer on Jul 1st, 2010 and filed under Somalia News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

ahmed-silanyoKomishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijadii doorashada dalka ka dhacday maalintii Sabtida ee 26 June, 2010. Waxa Komishanku ku dhawaaqeen natiijada doorashada xaflad ay ku qabteen hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Waxa Komishanku caddeeyeen in musharxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ay ku guulaysteen codadka ugu badan oo noqonaya 266,906 cod, halka xisbiga UDUB ka helay 178,881 cod, xisbiga UCID-na 92489. Tirrooyinkaas oo u kala dhigma 49.59%, 33.23% iyo 17.18%.

Waxa beryahanba la sugayay in Komishanku ku dhawaaqo natiijadan oo Komishanku dhowr jeer ka digeen in la baahiyo mid aan iyaga afkooda ka soo bixin. Waxana dalka ka bilaabmay dabbaaldeg ay dabaaldegeyaan dadweynihii ka qayb galay doorashadu iyada kuwii u codeeyay KULMIYE iyo kuwii aan u codaynba ku faraxsan qaabka heerka caalami ah ee doorashadu uga dhacday dalka si nabadgelyo ah ammaana ugu soo jeedinaya Komishanka qaranku sida ay u maamuleen doorashada iyo ciidamada oo kaalinta nabadgelyo u xilsaarnaa.

Waxa amaan ballaadhan loo soo jeediyay dadweynaha sida nabadgelyada ah uga qaybqaatay doorashada ee heeganka u ahaa inay nabadda ilaaliyaan kana digtoonaa waxkasta oo carqalad ku keeni kara doorashada gude iyo dibedba midkuu ka yimaadaba.

Ismail D. Osman

Share and Enjoy:
  • Print this article!
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks

2 Responses for “Mudane Axmed M. Maxamuud oo Loo Doortay Madaxweynaha Somaliland”

  1. 在线代理 says:
    Firefox 3.5.3Windows 7

    哈哈 我来给博主盖个楼 顺便收藏一下

  2. Trackback says:
    Firefox 3.0.14.NETCLR3.5.30729Windows XP

    Great Post!... [...] I found your entry interesting thus I’ve added a Trackback to it on my weblog :) [...]...

Comments are closed

Photo Gallery

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes
Log in / Somali News Post by Somali American Congress