Dowlada Yemen ayaa sheegtay in ay dad Soomaali ah ku xirtay Gobolka Amran ee Waqooyiga dalka Yemen kuwaas oo lala xirririnaayo in ay ka tirsanyihin dagaalyahanada Huutiyinta.
Sida ay ku warameen warbaahinda dalkaas Yemen oo soo xigtay Saraakil ka tirsan Milateriga dalkaas yemen Soomaalidaas ayaa waxaa xilliga la qabanaayay ay wateen hub ayna rabeen in ay ka qayb qaatan dagaalka u dhaxeeya Milateriga dalka Yemen iyo dagaalyahanada Huutiyinta oo tan iyo sanadi 2004-ti la dagaalamaayay Ciidanka dalka Yemen.
Labo ka mid ah Soomaalidaas ayaa waxaa laga soo qabtay goob ay ku caanyihin qabiilka Houth,iyadoo kan kale laga soo qabtay goob lagu magacaabo Hawaari.
Waxaana iminka ay Ciidanka Milateriga ee dalka Yemen ay ku wadaan baaritaano ku aadan in ay ka mid yihin dagaalyahanada Huutiyinta.
Hore Dowlada Yemen ayaa gobolka Sa’ada ku qab qabatay ku dhowaad 26-qof oo Soomaali ah oo lagu eedeyey in ay ka mid yihin dagaalyahanada Huutiyinta ee ka dagaalama gudaha dalka Yemen.













