Gudoomiyaha ururka Al xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa ciidamada Amison ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen qaraxii Khamiistii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo ay ku dhinteen arday ka qalin jabineysay jaamacada caafimaadka ee Banaadir, waalidiintooda, dhaqaatiir wadanka aad caan uga ahaa iyo wasiiro ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay laysku tuurtuurayey cidii ka dambeysay qaraxaas. Dowlada Somaliya iyo aduunka intiisa badan ayaa urura Al shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen qaraxaas.
Al shabaab ayaa iyagana ku eedeeyay qaar ka mid ah dowlada Somalia oo wax gocanaya in ay ka dambeeyeen qaraxaas. Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa qaba in aysan labadaa qolo ka dambeynin qaraxa balse ay ku lug leeyihiin ciidamada Amisom. Hogaamiyaha ururka Al xisbul Islaam wuxuu tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen ardayda iyo dhaqaatiirta. Mar uu ka hadlayay idaacada BBC-da laanteeda afka Somaliga ayuu sheegay in ay falkaa ka dambeeyeen cadawga shisheeyaha ee jooga Muqdisho.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dagaalka la sii wadi doono inta laga saarayo ciidamada shisheeye. Wuxuu sheegay in ay sharafta Somalida soo noqon doonto marka wadanka laga saaro ciidamada shisheeye. Ururka Al xisbul Islaam iyo ururka Al shabaab ayaa dagaal adag kula jira dowlada Somalia. Labadan urur ayaa haysta koonfur Somalia inteeda badan oo ay ku jirto inta badan magaalada Muqdisho. Al xisbul Islaam iyo Al shabaab ayaa ku dagaalamay gacan ku haynta magaalada muhiimka ah ee Kismaayo waxaana halkaa ku adkaaday ururka Al shabaab. Waxaa dad badan ay rumeysanyihiin in ay si ba’an ugu dagaalami lahaayeen magaalada Muqdisho hadii aysan joogin dowlada Somalia iyo ciidamada Amisom.













