Saraakiisha Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan ayaa Dhaleeceyn kulul u soo jeediyey Ciidamada Dowlladda ee ku Sugan qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan,iyagoo sheegey inay ka dambeeyaan falalka aminddarro ee ka jira Gobolkaas. Taliyaha Ciidamada Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan Sh.Maxamed Faarax ayaa sheegey inay ka go�an tahay xaqiijinta Amaanka Gobolka Hiiraan,asagoo dhaleeceyn dusha uga tuurey Ciidamada Dowlladda kumeelgaarka oo uu sheegey inay ka dambeeyaan falalka amniddarada Hiiraan.
Taliyaha ayaa intaas ku darey inaaney cidna ugu dulqaadaneynin inay hor istaagto xaqiijin amaanka asagoo yiri waxaan gaari doonaa meelaha ay ku sugan yihiin kooxaha soo abaabula amaanddarida ka jirta Gobolka bartamaha Soomaaliya ee Hiiraan.
Maxamad Nuur Cagajoof oo ah Afhayeenka Ciidamada Dowlladda ayaa sheegey inuu hadalkaas yahay been abuur la soo dhoodhoobey,asagoo dhinaciisa ka eedeyey falalka amaanddarida ee ka jirta Beledweyne ay ka dambeeyaan Xisbul Islaam,asagoo yiri dadka ayay ku layaan Masaajidada iyo magaalada Bartamaheeda.
Si kastaba ha ahaatee amaanka Gobolka Hiiraan ayaan caga badan ku taagneyn marka laga reebo is eedeynta labada Dhinac,iyadoo ay halkaas weli ka jiraan dhadhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeda,waxana Ciidamada Dowlladda inta badan lagu eedeeyaa inay ka dambeeyaan falalka Burcadnimo ee lagu dhaco Shacabka Gobolka,halka kooxaha iyaga ka horjeedana lagu eedeeyo inay soo abaabulaan dilalka Qorsheysan ee lagu fuliyo Shacabka Gobolka gaar ahaan magaalada Beledweyne.













