Madaxda Dowladaha Aduunka Oo Canbaareeyay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

Posted by Contributer on Dec 5th, 2009 and filed under Somalia News, World News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Faransiiska Bernard Kouchner ayaa si adag u cambaareeyey qaraxii Khamiistii ka dhacay Muqdisho ee lagu laayey Wasiirro iyo arday jaamacadeed.

Wuxuu Wasiirku daboolka ka qaaday in dowladdiisu ay qaadayso tallaabo ay dowladda Soomaaliya kaga daaweynayso dhibaatadaas soo food saartay, si Soomaaliya loogu soo celiyo nabaddii iyo xasiloonidii ka luntay.

Mr Kouchner wuxuu hoosta ka xarriiqay in dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ay tahay dowladda keliya ee sharciga ah ee ka jirta dalka, wuxuuna xusay inuu dib u xaqiijinayo taageerada dowladda Faransiisku ay u hayso dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif.

Dowladda Canada ayaa iyaduna cambaareysay qaraxa dhacay, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada Soomaalida inay ka wada shaqeeyaan sidii loo hagaajin lahaa nabadda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada Lawrence Cannon ayaa yiri, “Canada waxay si xoog leh u cambaareynaysaa weerarka. Qalalaase lala beegsado shacabka iyo saraakiisha dowladda uma keeni doono nabad Soomaaliya.”

Wuxuu sheegay inay ku dhiirri-gelinayaan dowladda iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda inay ka wada shaqeeyaan sidii dib loogu soo celin lahaa nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Sidoo kale dowladda Shiinaha ayaa sheegtay inay ka naxday oo ay si adag u cambaareynayso qaraxaas, sida ay sheegtay Jiang Yu oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Afhayeenku waxay intaa ku dartay inay rajeynayaan in kooxaha ku lugta leh arrimaha Soomaaliya ay danta ugu weyn siin doonaan dalka iyo dadka, ayna si firfircoon uga qayb qaadan doonaan wada hadalka iyo dib u heshiisiinta si looga dhabeeyo dib u heshiisiin qaran iyo nabad waqtiga dhow.

War murtiyeed ay iyaguna wadajir u soo saareen dowladda Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo dalka Norway ayaa lagu cambaareeyey qaraxaas, waxayna tacsi u direen qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii qaraxaas ku le’day.

Dad lagu qiyaasay 60 qofood ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen qarixii Khamiistii dhacay, waxaana dhaawaca lagu qiyaasay 200 oo qofood, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka. Waxay sheegtay in dowladda Shiinuhu ay mar walba taageeri jirtay nabadda iyo dadaalka dowladda Soomaaliya ay ku doonayso inay ku soo celiso nabadda, iyadoo loo marayo qaab wada hadal ah.

Share and Enjoy:
  • Print this article!
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks

Comments are closed

Photo Gallery

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes
Log in / Somali News Post by Somali American Congress