Xisbul Islaam oo Mar Kale Dib ula Wareegay Magaalada Baladweyn ee Gobolka Hiiraan iyo Deegaanadii Saakay lagu Dagaalamay oo Degan

Posted by Contributer on Nov 4th, 2009 and filed under Somalia News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

BALADWEYNE

ciidamada-xisbul-islaamUrurka Xisbul Islaam ayaa maanta mar kale dib ula wareegay guud ahaan gacan ku heynta Magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan iyadoo duleedka Magaaladaasi oo saakay lagu dagaalamayna ay degantahay

Kadib dagaal culus oo saakay ku dhaxmaray Ciidamada Ururka Xisbul Islaam iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya Buurta janta Kuudisho ee duleedka Bari ee magaalada Baladweyne islamarkaana dagaalkaasi uu ahaa mid aad u culus ayaa inta la xaqiijiyay dagaalkaasi waxaa ku dhintay inkabadan 5-qof oo dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah oo rasaas wiifto ah ay ku heshay gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalkaasi sidoo kale ku waxaa ku dhaawacmay inkabadan 8-qof oo qaarkood la geeyay Isbitaalka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada Ururka Xisbul Islaam oo iyagu weerar ku qaaday Ciidamada dowladda KMG oo fariisinka ku lahaa Buurta Janta Kundisho 2-dii maalmood ee u danbaysay islamarkaana u suurto gashay in ay gacanta ku dhigaan Buurta Janta Kuundisho iyo nawaaxigeeda ayaa Saraakiil u hadashay waxa ay ka warbixyeen dagaalkii culsaa oo ay saakay la galeen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Xoghaya difaaca Ururka Xisbul Islaam Sheekh Muuse Cabdi Caraale oo la hadlayay warbaahinta Shabelle ayaa waxa uu ka warbixiyay qaabkii dagaalkaasi u dhacay,waxaana uu sheegay in jab xoogan ay u geysteen ciidamada dowladda isagoo carabka ku dhiftay in haatan ay gacanta ku hayaan Magaalada Baladweyn iyo Nawaaxigeeda.

Dhinaca kale taliye ku xigeenka Ciidamada Amaanka ee gobolka Hiiraan Salaad Xareed Hilowle oo isna la hadlayay Shabelle ayaa sheegay in ciidamada dowladda dhowr jiho laga soo weeraray islamarkaan ay is difaaceen.

Ciidamada Xisbul Islaam iypo kuwa dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa haatan waxaa ay isku horfadhiyaan Waadiga Harar iyo nawaaxiga tuulada Ceelgaal  iyadoo haatan xaaladda deegaanadii saakay ay ku dagaalameen ay tahay mid degan.

Gudaha Magaalada Baladweyn ayaa waxaa lagu arkayaa gaadiid dagaal oo ay wataan ciidamada Xisbul Islaam kuwaasi oo dhexwareegaya xaafadaha Magaalada Baladweyn marka banaanka uga baxaya.

Share and Enjoy:
  • Print this article!
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks

Comments are closed

Photo Gallery

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes
Log in / Somali News Post by Somali American Congress