Wafdi uu horkacayo taliyaha Ciidamada Booliska dowladda KMG Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Gaalkacyo

Posted by Contributer on Nov 3rd, 2009 and filed under Somalia News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

947Wafdi uu horkacayo taliyaha Ciidamada Booliska dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Taliyaha Ciidamada Booliska dowladda KMG Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qaybiid iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta waxa ay gaareen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug,waxaana soo dhaweeyay qaar kamid ah Mas’uuliyiinta dhinacyada Puntland iyo Galmudug State Soomaaliya oo ku sugnaa garoonka Diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo islamarkaana wafdigii ka socday dowladda KMG loo dhaadhiciyay Hotelka Taar City ee duleedka Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Safarka uu galabta ku tagay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug taliyaha Booliska ee dowladda KMG Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa sida la sheegayo waxaa safarkiisa ku wehlinayo Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha gudaha ee dowladda KMG Soomaaliya iyo mid kamid ah Xildhibaanada dowladda Soomaaliya.

Taliyaha oo Saxaafada kula hadlay gudaha garoonka Diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku jirto dadaal ku aadan dib u dhis xoog leh oo lagu sameeyo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed isagoona cadeeyay in hadda ay wadaan tababaro kala duwan.

Waxa uu sheegay in ay ka faa’iidaysan doonaan nabad galyada Maamulada Galmudug State Soomaaliya iyo Puntland.

Taliyaha oo ku sugan hotelka Taar City ee duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa la sheegayaa in uu kulamo la qaadan doono Odayaasha Koofurta iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ujeedada safarkiisa uu ku tagay deegaanada Puntland ayaa la sheegayaa in ay tahay in uu tababar u soo xiro Ciidamo ay leedahay dowladda KMG oo tababar hadda ugu socday degmada Carmo ee gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

Hase ahaatee warar hoose oo ay Shabelle helayso ayaa sheega in isla Caawa uu ka ambabixi doono gudaha magaalada Gaalkacyo islamarkaana uu si toos ah u tagi doono Caasimada Maamulka Puntland ee Garoowe halkaasoo uu kulamo uu kula qaadan doono Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole iyo laamaha amaanka ee magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Share and Enjoy:
  • Print this article!
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks

Comments are closed

Photo Gallery

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes
Log in

WordPress SEO

/ Somali News Post by Somali American Congress