Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Xisbul Islaam ayaa saakay ka dhacay duleedka Magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan.
dagaalka oo bilowdayt barqanimadii hore ee saakay ayaa waxaa uu u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG iyo xoogaga ka soo horjeeda waxaana ay ka dhaceen Buurta Jante Kundishe iyo nawaaxigeeda iyadoo halkaasi si aad ah looga maqlay daryanka hubka ay isweydaarsanayaan labada dhinac.
Dadka deegaankaasi oo Shabelle ay la hadashay ayaa waxa ay sheegeen in marka hore madaafiic lagu garaacay buurta Jante kundishe oo ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyadoo xiligaasi kadibna uu qarxay dagaal fool ka fool ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo xoogaga hubaysan.
Gudaha Magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan oo u dhow halka lagu dagaalamayay ayaa waxaa si weyn looga maqlayaa dhawaqa Madaafiicda labada dhinac ay is weydaarsanayaan. Qasaaraha dagaalkii saakay ayaa ilaa iyo haatan la xaqiin Karin maadaama dagaalku ahaa mid culus waxaana wararka Haatan Shabelle ay ka helayso Buurta Jante kundishe ay sheegayaan in dagaalku uu istaagay islamarkaana ay la wareegeen halkaasi Ururka Xisbul Islaam. Sheekh Muuse Cabdi Caraale xogyahaha Gaashaandhiga Ururka Xisbul Islaam oo goordhow la hadlayay Idaacada Shabelle ayaa waxaa uu guulo ka sheegtay dagaalkii Gobolka Hiiraan isagoo sheegay in ay ka bixiyeen ciidamada dowladda Buurta Jante kundishe ee gobolka Hiiraan. Muuse Caraale waxaa uu intaasi ku daray in dagaalku uu yimid kadib markii ay weerar ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda ay ku lahaayeen Buurta Jante kundishe,waxaana uu haatan sheegay in ciidamada dowladda ay kala wareegeen deegaankaasi. Majiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha hogaaminaysa ciidamada dowladda KMG ee gobolka Hiiraan hase ahaatee qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegayaan in wali meelaha qaar laga maqlayo dhawaqa rasaas la is weydaarsanayo. wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay ku suganyihiin deegaan u dhaxeeya Waadiga Harre iyo Buurta Qowlet halkaasi oo ay ka wadaan is aruursi ku aadan dagaalada gobolka Hiiraan.













