Qaar ka mid ah Xildhibaanada Barlamanka KMG ayaa sheegay in AMISOM aan loogu dul qaadan doonin duqeymihii saakay ay u geysteen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Ku dhawaad 20 xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Barlamanka KMG ee Soomaaliya oo maant kulan ku sheegay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka soo horjeesteen duqeyntii Ciidamada AMISOM ay maanta ka geysteen Suuq Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Xldhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ku hadlaya Afka xildhibaanadaasi ayaa waxaa uu saxaafadda u sheegay in aan loo dul qaadan Karin falkii maanta ciidamada AMISOM ay kula kaceen dadkii maatida ahaa ee u soo dukaamaysi doonta gudaha Suuqa Bakaraha iyo xaafadaha ku dhow dhow.
Waxaa uu sheegay in xildhibaanada maanta kulanka yeeshay ay aad uga damqaadeen dhibaatada ciidamada AMISOM ay u geysatay dadka shacabka ah,waxaana uu qiray in qoryo waaweyn oo aysan xamili Karin shacabku ay saakay ku soo garaaceen ciidamada AMISOM.
Xildhibaanada ayaa waxaa ay ugu baaqeen madaxweymaha dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG in ay si cad uga hadlaan in duqeyntii maanta ay amarkooda aheeyd iyo in ciidamada AMISOM ay go’aankaasi iska qaateen.
Xildhibaan Bootaan ciise ayaa meesha ka saaray in dhiiga Shacabka Soomaaliyeed oo la baneysto aan lagu noqoneyn nabad ilaaliyaal waxaana uu ku cel celiyay in ciidamada AMISOM aan loogu dulqaadan doonin dhibaatada ay u geyataan ganacsatada iyo shacabka Suuq Bakaaraha ku sugan xiliyada qoryaha fud fudud ay ku ridaan xoogaga hubaysan.
Hadalkaan xanaaqa ah ee ka soo baxay xildhibaanadaan ka tirsan Barlamanka ayaa imaanaya xili dadka ku sugan deegaanada ay fiisinka ku leeyihiin ciidamada AMISOM ay sheegeen in saakay duqeyn culus ay u geysteen suuqa Bakaaraha waxaana saraakiil u hadashay AMISOM ay beeniyeen in duqeyn ay ka geysteen Suuqa Bakaaraha.













