Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Sheegay in Dowladda Loo soo Tababaray Ciidamo ay Kula Wareegayso Koofurta Soomaaliya

Posted by Contributer on Oct 23rd, 2009 and filed under Somalia News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Cumar3Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa waxa uu sheegay in dowladda loo soo tababaray Ciidamo ay kula wareegayso Koofurta dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo warbaahinta kula hadlayay magaalad Nairobi ee xarunta  Wadanka Kenya ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada dowladda KMG loo soo tababaray ay haatan diyaar u yihiin islamarkaana ay ku talo jiraan in ay la wareegaan gacan ku haynta magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo warabaahinta kula hadlayay magaalada Nairobi kadib markii uu kulanka la qaatay Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan xoghaya guud ee Jimciyada qurmaha ka dhaxaysa oo lagu magacaabo Leen Barows ayaa waxa uu sheegay in dowladda KMG haatan ay kalsooni buuxdo ku qabto in ay la wareegto guud ahaanba gacan ku haynta magaalada Muqdisho isagoo intaasi ku sii daray in dowladda aysan kaliya kutalo jirin in ay la wareegto Muqdisho oo ay damacsantahay in ay la wareegto guud ahaan Koofurta Soomaaliya oo uu sheegay in ay gacanta ku hayeen xoogaga ka sooa horjeeda dowladda KMG Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ciidamo farabadan lagu soo tababaray qaybo kala duwan oo caalamka ka mid ah isagoo sheegay in Wadamo ay kamidyihiin Kenya iyo dalal kale lagu soo tababaray Ciidamo gaar ah oo dowladda KMG ah loogu talagalay in ay la wareegaan gabi ahaanba dalka Soomaaliya isagoo farta ku fiiqay magaalada Muqdisho iyo qaybo kamid ah Koofurta Soomaaliya.

Dhinaca kale ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in xoogaga ka soo horjeeda dowladda KMG haatan ay awoodooda wiiqantay islamarkaana ay hoos u socoto kadib markii uu sheegay in  bishii la soo dhaafay ay isku farasaareen magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubadda hoose isagoo intaasi sii raaciyay in ay baneeyeen goobo kamid ah aagagii ay dagaalada ay kaga jireen islamarkaana ay kaga soo horjeedeen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ku soo aadayaa xilli maalinimadii shalay duqan xoogan Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM loo yaqaano duqayn ba’an ay u gaysteen Suuqa Bakaaraha taasi oo la sheegay in ay ku geeryoodeen in kabadan 30-ruux oo rayid ah halka dhaawacuna uu sii cagacageenayo ku dhawaad 80-ruux oo u badan dad rayid ah.

Share and Enjoy:
  • Print this article!
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks

Comments are closed

Photo Gallery

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes
Log in / Somali News Post by Somali American Congress