Madaxweyne Sheekh Shariiif iyo Wafdi uu hogaminayo oo isbuca soo aadan wadahadal ku aadan arimaha Soomaaliya u tagaya Dalka Kuwait.

Posted by Contributer on Oct 22nd, 2009 and filed under News, Somalia News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

art_sheikh_sharif_afp_giMadaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa isbuuca soo aadan wadahadalo looga hadlayo arimaha Soomaaliya u tagaya Wadanka Kuwait.

 

Sida saakay lagu qoray mid ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka Kuwait madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya sheikh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminyo ayaa maalinta Axad ee inagu soo aadan waxaa ay tagi doonaan Magaalada Kuwait ee Caasimadda wadanka Kuwait si halkaasi ay kulamo uga soo qaataan Masuuliyiinta dalkaasi oo uu ku jiro amiirka dalka Kuwait waxaana booqashadaasi ay qaadan doontaa mudo labo maalmood ah sida uu wargeysku sheegay.

 

Dib lumaasiyiin ka soo jeeda wadanka Kuwait ayaa waxaa ay sheegayaan in madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Aheekh Axmed uu u gudbin doono madaxda dalkaasi hormarkii ugu dambeeyay ee madaxweynuhu uu ka garay dhanka siyaasadda sida ay wargeysyadu sheegeen.

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa haatan waxa ay ku suganyihiin Magaalada Kampala ee caasimadda wadanka Uganda halkaasi oo madaxweynaha ay kulamo kula qaadan doonaan madax ka tirsan wadanka Uganda.

Share and Enjoy:
  • Print this article!
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks

Comments are closed

Photo Gallery

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes
Log in

WordPress Plugin Delveloper

/ Somali News Post by Somali American Congress