Al Shabaab ayaa waxa ay sheegeen inay dagaaladooda u weecinayaan Magaalooyinka Kambaala iyo Bujanbuura ee wadamada Uganda iyo Burundi.
Waaliga Walaayada gobolka Banaadir ee Xarakada Mujahidiinta AL Shabaab Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo wareysi kooban siiyay saxaafadda reer Muqdisho ayaa waxaa uu ka ugu horeyn ka hadlay duqeyntii shalay ciidamada AMISOM ay u geysteen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in dhibaatadii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho ay aad uga xunyihiin isagoo tilmaamay in taasi ay dadka u muujinayso in la doonayo dhameynta shacabka Soomaaliyeed waxaana uu tilmaamay in dagaalka Muqdisho uu u dhaxeeyo shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada AMISOM maadaama markii ciidamadaasi waxyeelo loo geysto ay ka aarsanayaan dadka shacabka ah sida uu hadalka u dhigay.
Sheekh Cali Max’ed Xuseen ayaa waxaa uu ku hanjabay in dagaalada haatan ka socda magaalada Muqdisho qaarkood loo wareejinayo magaalooyinka Bujanbuura iyo Kambaala ee wadamada Uganda iyo Burun halkaasi oo uu sheegay in dagaaladu ay ka bilaaban doonaan sida uu sheegay.
“Hadii maanta dadkeena dhib la soo gaarsiiyay barina waad arki doontaan iyadoo laga barooranaayo Kambaala iyo Bujanbuura Insha Allaah,sidoo kale waxaan rajaynaynaa dagaalada maanta ka socda Muqdisho in loo raro magaalooyinka Kambaala iyo bujanbuura iyo meelo ka fog fog”ayuu yiri Waaliga walaalayada Gobolka Banaadir ee xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab.
Waxaa uu eedeyn dusha uga tuuray Masuuliyiinta dowladda KMG ee Soomaaliya oo uu sheegay in ay raali ka yihiin xasuuqa Ciidamada AMISOM ay u geysanayaan dadka shacabka ah sida uu hadalka u dhigay.
“Waxa ay sheeganayaan in ay Soomaali yihiin in ay muslimiin yihiin Waxaan arkaynaa dadka muslimiinta ah iyo hooyooyinka Soomaaliyeed markii la kala aqoonsanwaayay hilbahooda iyo dharkooda in ay kambala tagayaan oo ay ugu hambaliyaynayaan gaalada sida ay muslimiinta u xasuuqeen”ayuu intaasi raaciyay Sheekh Cali Max’ed Xuseen.
Ma’ahan markii ugu horeeysay ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay ku guudiyaan in ay dagaaladooda u weecinayaan meelo ka baxsan dalka Soomaaliya hase ahaatee arinkaani ayaa imaanaya xili shalay ciidamada AMISOM duqeyn bareer ah ay geysteen Suuqa Bakaaraha xili ay dad badani ku sugnaayeen.













