Taliska ciidanka bolice ka oo sheegay qorsho cusub iyo heshiisyo ay la galeen qaar ka mid ah dowladaha caalamka

Posted by News Desk on Aug 29th, 2009 and filed under Somalia News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Somali__policeKulankaan oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan 150 sar kaal oo bolice ah ayaa waxaa looga arinsanayey qabka loo sugi lahaa amaanka goobaha ay dowladu maamusho iyo qorshayaal kale oo horyaal ciidamada bolice ka

Shirka manta saraakiishii ka so qeybgashay ayaa waxaa ka mid ahaa taliyahay ciidanka bolice ka somaliyeed Janaral Cabdi xasan cawaale ( cabdiqeybdiid ) iyo ku xigeenka taliyaha ciidanka bolice ka jeneral Maxamed cabdi John iyo Maxamed Nuur sidoo kale waxaa la soo qeyb galay jeneral bashiir jaamac warsame ( bashiir gobe ) oo ah madaxa xirirka caalamiga ah iyo tbabarada kana tirsan bolice ka  calamig ah ee inter bol

Taliye xigeenka ciidanka bolice ka dowlada isla markaana ah madaxa xirirka caalamiga ah iyo tbabarada kana tirsan bolice ka  calamig ah ee inter bol  oo ka hadlayey shirka ayaa sharaxaad balaaran ka bixiyey isaga oo shegay in dowladaha caalmaka ay la so galeen heshiisyo kala duwan oo qaarkod ay yihiin in garab iyo la siiyo tabbaro si ay u helaan qibrad sareyso ciidanka bolice ka somaliyeed wuxuuna sheegay in ay wadamadaas isku soo afgarteen hashiisyadii ay isla gaareen .

Taliye xigeenka ciidanka bolice ka dowlada isla markaana ah madaxa xirirka caalamiga ah iyo tbabarada kana tirsan bolice ka  calamig ah ee inter bol   ayaa sido kale sheegay in dib u habeyn casri lagu sameeyey dhismaha akadeemiyada bolicka.

Waxaa la keenayaa oo jidka ku soo jira dhamaan qalabkii iyo dareskii uu lahaa ciidanka bolice ka sida qalabkii jiifka ,joodariyaal ,kuwii jikooyika iyo cunada ,waxbarashada iyo xafiisyo leh cumbutaro waxaana loo sameynayaa garoon ay ku qaataan jikmicsiga iyo tababarka.

“Taliye xigeenka ciidanka bolice ka dowlada isla markaana ah madaxa xirirka caalamiga ah iyo tbabarada kana tirsan bolice ka  calamig ah ee inter bol   taliska bolice ka iyo dowlada fadaraalka KMG somaliyeed waxay heshiis la galeen waxaana lagu heshiieyey.

Hadalka jeneral bashiir Jaamaca oo ahaa mid meelo badan taabanayey  kaas oo ku soo biyo shubanayey qorshaha iyo barnaamijka akadeemiyada ayaa waxaa ka dib madasha ka hadlay taliyaha cidanka bolice ka dowlada fadaraalka somaliyeed Jeneral Cabdi Xasab Cawaale ( Cabdiqeybdiid ) isaga oo shegay in ay dalka soo gaareen ciidamo k atirsan kuwa AMISOM oo qeyb ka noqon doono ciidamada nabad ilaalinta ee midowga Africa.

Dhanka kale taliyuhu wuxuu faafaahiyey dharka ciidanka bolice ka uu qaadan doono wuxuuna husay in uu jiro amar ay bixisay xukuumada KMG somaliyeed sida ciidanka bolice ka in uu la muuqaal noqdo  ciidamada bolice ee wadamada Gobolka ee bariga iyo bartamaha Africa maadaama uu ciidanka bolice ka somaliyeed uu xubin ka yahay ciidanka bolice ka gobolka ee loo yaqaan yasko ( ururka taliyayaasha ciidamada bolice ka ee Gobolka geeska Africa.

Jeneral bashiir goobe wuxuu kale oo u sheegay in mardhow uu soo gari doono ciidanka bolice ka uniform kii loogu talagalay oo u ku shegay in uu yahay mid casri ah.

Dharka soo socdo ayuu ku shegay in shaar blue  ah ,koofiyad madow iyo surwaal madow waxaana la socon doono tai iyo jaakad uu leeyahay sarkaal kasta marka uu xaflad ka qeyb galayo.

Ilaa 30 June  ee sanadka soo socdo ayuu xusay bashiir goobe in ciidanka bolice ka ee u tababaran habka casriga ah lehna aqoon cidan oo ku filan ay noqon doonto tiradoodu ilaa 10.000 oo askari wuxuuna sidoo kale xusey in asbuucaan gudihiisa 150 sarkaa tabaabr logu soo gabagabeeyey dugsiga sare ee bolice ka ee magalada Muqdisho.

Jeneraal gobe ayaa xusay in bilaha fooda nagu soo heyso uu bilaaban doono laba tababar oo is dhinac sodo kaas oo ay ka qeyb qadan doonaan 1100 dhalinyaro somaliyeed ah 1000 nin iyo boqol haween ah wuxuuna shegay in ay qoran yihiin ciidankaa cusub waxaana ku soo xigi doono 3 ciidan tabar ku soo qaatay xerada bilaadin ee ku taal gudaha dalka Ethiopia ,labaatan jirow 3 ,iyo ciidanmo uu ku sheegay in ay yihiin kuwo la meeleeyey.

Taasi ayuu shegay taliye ku xigeenku in ay soo afjari doonto kala qoqobnanta ciidanka bolice ka dhexdisa ah iyo dhaqaalaha wuxuuna intaa ku daray in ciidanka bolice ka somaliyeed dhamantis uu noqon doono mid isku misharo ah iskuna maamul iyo maamuus ah isku taakulen isku dhar dhamaan tababaradaan ayuu sheegay in ay saldhig u tahay ku dhaqanka shareecada islaakma

Taliska bolice ka ayaa heshiis la galay wadamada caalmka in saraakiisha ciidanka bolice ka dalka dibadiisa lagu soo tabbaro wuxuuna sheegay in dalka ay ka bixi doonaan dhawaan kooxda diyarinta manaahijta oo tababar u bixi doonto sodoo kale ayuu sheegay in ay bixi doonaan koox kale oo uu ku magacaabay kooxda xafiska Interpol   ee  bolice ka calamiga ah ee somaliya heshiiska ayaa qodabadiisa waxaa ka mid ahaa in la how galiyo xafiiska Interpol ka ee ciidanka bolice ka somaliya si uu ula jaanqaado bolice yada kale ee caalamka ka jira.

Gaashaanle sare Cabdi Xasan Cawaale Qeybtiid oo isna qudbad dheer ka jeediyay kulanka ayaa waxaa uu sheegay in tababarka la siinayo ciidamada Boliiska uu yahay mid ka dhacaya dalka gudihiisa iyo dibadiisa  isagoona tilmaamay in tababarka lagu siinayo ciidamada Boliiska gudaha dalka ay gacan weyn ka geysanayaan saraakiisha Boliiska iyo ciidamo Boliis ah oo ka socda AMISOM oo dhawaan lagu soo biiriyay kuwa jooga Soomaaliya.

Waxaa soo gaba gabeeyay shirkii mantataliyaha ciidamada boliiska dowladda KM Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa waxa uu ugu baaqay saraakiisha boliiska ee ka soo qeyb gashay kulanka in boliisku uusan dhibaatayn dadka shacabka ah islamarkaana shacabka aysan ka cararin boliiska isagoona tilmaamay in wax badan laga qabtay maalmihii u dambeeyay dhibaatooyinkii ay ciidamada dowladda ka geysan jireen degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir, waxaa uuna sheegay in bishan la siin doono musharkii loona bilaabi doono ciidamada booliska soomaaliyeed.

Share and Enjoy:
  • Print this article!
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks

Comments are closed

Photo Gallery

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes
Log in / Somali News Post by Somali American Congress